ku qaabilay Safiirka Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Sebastian Groth. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ka jira.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu safiirka la wadaagay fursadaha muhiimka ah ee maalgashi sida kalluumaysiga, warshadaha, iyo xoolaha, isaga oo ku dhiirrigeliyay in dowladda Jarmalku maalgeliso si labada dhinac uga faa’iidaystaan.
Safiirka Jarmalka ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisu qorsheynayo maalgashi ballaaran oo dhinacyo kala duwan leh, islamarkaana ay dhawaan Soomaaliya imaan doonaan masuuliyiin ka socda wasaaradda horumarinta iyo dhaqaalaha Jarmalka.