Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo markale kormeer labaad ku sameeyay Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer labaad ku sameeyay Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde, si uu u qiimeeyo fulinta amarkii uu horey u bixiyay ee ku saabsanaa tayeynta adeegyada garoonka, gaar ahaan qeybaha ay dhibaatooyinku ka jireen.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in uu jiro isbeddel muuqda marka loo eego kormeerkiisii hore ee dhacay 14 maalmood ka hor, taasoo uu ku tilmaamay horumar la taaban karo, iyadoo qalab cusub la keenay, qaar kalena ay shaqeynayaan.

Wuxuu sidoo kale maamulka garoonka siiyay amar ah in toddobaad gudaheed lagu dhammeeyo hagaajinta nidaamka qaboojiyaha (AC system) iyo in dadka ka shaqeeya iyo rakaabkuba helaan biyo nadiif ah oo macaan. Ujeedadu waa in la helo adeegyo hufan oo heer caalami ah.