Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa shir uga soo gabagabeeyay magaalada Nairobi, Kenya, halkaas oo ay ku dhawaaqeen Golaha Mustaqbalka Soomaaliya – gole siyaasadeed cusub oo ay ku mideysan yihiin.
Warsaxaafadeed laga soo saaray shirka ayaa lagu sheegay in kulanka ay ka qeyb galeen madaxda Jubaland iyo Puntland, iyo wakiillo ka socday Madasha Samatabixinta, oo ay hoggaaminayeen Ra’iisul Wasaarayaashii hore Xasan Cali Khayre, Saacid Shirdoon, iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Shirka ayaa xoogga lagu saaray xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyadoo lagu baaqay in loo midoobo sidii Soomaaliya u heli lahayd mustaqbal xasilloon, ammaan ah, kuna tallaabsada horumar dhaqaale.
Madaxda ayaa sidoo kale shaaciyay in shir kale oo gudaha dalka ka dhici doona lagu dhammeystiri doono dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Waxa ay uga mahadceliyeen dowladda Kenya doorkeeda ku aaddan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.