Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), oo garab ka helaya ciidamada AUSSOM, gaar ahaan qeybta Uganda (UPDF), ayaa guul weyn ka gaaray hawlgallo milatari oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo ka xoreeyay AS laba tuulo oo istiraatiiji ah.
Tuulooyinka Shaamgare iyo Raqayle, oo ku yaalla waqooyi-bari degmada Awdhiigle, ayaa gacanta u galay ciidanka kaddib dagaal kooban oo lagu jabiyay Khawaarijta. Hawlgalkan ayaa si xeeladaysan loogu bilaabay waaberigii hore ee saaka, iyadoo ciidamada XDS iyo saaxiibadooda UPDF ay si taxadar leh u baarayeen goobihii ay AS isku dayeen inay ku dhuuntaan.
Intii uu socday hawlgalku, waxaa laga saaray maleeshiyaadka AS godadkii ay ku dhuumanayeen, waxaana halkaas lagaga gaaray khasaare culus. Qaar ka mid ah Khawaarijta ayaa ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaalka, halka kuwo kalena ay si dhuumaaleysi ah uga baxsadeen goobahaasi.
Ciidamada XDS iyo AUSSOM ayaa sidoo kale burburiyay saldhigyo muhiim ah oo AS ka dhiganayeen xarumo ay ku cabburiyaan shacabka deegaanka. Tallaabadani waxay qeyb ka tahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo AS, loogana xoreynayo shacabka Soomaaliyeed dhibaatada iyo cabburinta ay ku hayaan.
Hawlgalkan ayaa qeyb ka ah wejiga saddexaad ee ololaha militari ee “Duufaanta Aamusan”, kaas oo si qorshaysan loogu beegsanayo kooxaha AS ee weli ku dhuumaaleysanaya qaybo ka mid ah dalka.