Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo goordhow ka dhacay agagaarka Xabsiga Godka Jilicow, oo ku yaalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.
Goobjoogayaal ku sugan meel u dhow goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa soo sheegay in qaraxa kadib laga maqlay rasaas, taasoo muujinaysa suurtagalnimada weerar ama fal amni darro oo halkaa ka dhacay.
Xabsiga Godka Jilicow oo uu maamulo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa ah goob si weyn loo ilaaliyo, waxaana weli aan si rasmi ah looga hadlin nooca qaraxa, khasaaraha uu geystay ama cidda ka dambeysay.
Ilaa iyo hadda, hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka kama aysan bixin wax war ah oo rasmi ah oo la xiriira qaraxaasi iyo xaaladda goobta.