Madaxweyne Xasan Sheikh oo gaaray Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Madaxweynaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada, halkaas oo uu ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladdu ku doonayso in lagu xoojiyo wadashaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu joogo Kismaayo la kulmi doona madaxda Jubbaland, odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si uu uga dhageysto aragtidooda ku aaddan xaaladda guud ee dalka iyo baahiyaha shacabka Jubbaland.