Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, oo si rasmi ah u furay kulanka dib-u-eegista iyo ansixinta Manhajka Qiimaynta Qaranka.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah u furay kulanka dib-u-eegista iyo ansixinta Manhajka Qiimaynta Qaranka iyo Habraaca Hagaha Qaranka, kaas oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen wakiillo ka kala socday wasaaradaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha la shaqeeya, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamka qiimaynta ee dowladda, loona dhisi lahaa hab-raac mideysan oo hagaya hawlaha qiimaynta qaranka. Sidoo kale, kulanka ayaa lagu gorfeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhiso nidaam kor u qaada isla-xisaabtanka, hufnaanta iyo daahfurnaanta maamulka.

Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga dooday Manhajka Qiimaynta Qaranka, kaas oo lagu horumarinayo xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha dowladda iyo hay’adaha kale ee la shaqeeya. Sidoo kale, waxaa la falanqeeyay Habraaca Hagaha Qaranka oo dejinaya nidaam mideysan iyo heerar lagu hago dhammaan hawlaha qiimaynta ee dowladeed.

Wasiir Ku-xigeenku wuxuu caddeeyay in labada dukumenti ay yihiin tiir muhiim u ah dhismaha awood qaran oo lagu gaari karo horumar waara, iyadoo la adkeynayo isla-xisaabtan iyo hufnaan maamulka. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta nidaam qiimayn casri ah oo la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo qorshayaasha horumarineed ee dalka.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu soo xiray is-fahan guud iyo go’aamo lagu xoojinayo iskaashiga wasaaradaha, kor u qaadista tababarrada la xiriira manhajka qiimaynta, iyo hirgelinta Habraaca Hagaha Qaranka si loo mideeyo hab-dhaqanka qiimaynta ee dowladda iyo la-hawlgalayaasheeda.