Ciidamada Kumaandooska Gorgor iyo AUSSOM oo Howlgallo Wadajir ah ka Fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Kumaandooska Gorgor ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM, gaar ahaan cutubyada ka socda Taliska Difaaca Uganda, ayaa howlgallo wadajir ah ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Intii uu socday howlgalkaasi, ciidamada ayaa helay godad ballaaran oo si xeeladaysan dhulka hoostiisa looga qoday. Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in godadkan ay u muuqdeen kuwo ay si joogto ah isaga kala gooshayeen dagaalyahannada Al-Shabaab, iyaga oo ka faa’iideysanaya marinno qarsoon.

Sida ay sheegeen saraakiishu, godadkan ayaa dhererkoodu gaarayaa ilaa hal kiiloomitir, waxaana loo sameeyay meelo laga heli karo iftiin iyo hawo maalintii, si ay ugu sahlan tahay ku-noolaanashadooda. Ciidamada ayaa sameeyay baaritaanno qoto dheer oo la xiriira godadkan, iyadoo la baadhayo ujeeddada iyo baaxadda dhabta ah ee ka dambeysa.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AUSSOM wadaan si loo xoojiyo amniga loogana sifeeyo kooxaha argagixisada ah deegaannada Koonfurta Soomaaliya. Ciidanka Uganda ee ka tirsan AUSSOM ayaa door muhiim ah ka qaadanaya howlgallada ka socda gobolka, iyaga oo garab siinaya ciidanka Soomaaliyeed.