Soomaaliya iyo Uganda oo Kala Saxiixday Heshiisyo Cusub.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Uganda ayaa kala saxiixday dhowr heshiis is-faham (MoU) ah, kuwaas oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, xilli uu magaalada Kampala ka socdo shirkii 2-aad ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Uganda.
Heshiisyada la saxiixay ayaa daboolaya dhowr arrimood oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:
Maamulka Socdaalka ,Waxbarashada iyo Isboortiga ,Amniga
Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa heshiisyadan u saxiixay Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag”, iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan Xaadoow.

Shirka oo ay sidoo kale ka qaybgaleen mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan labada dal iyo ganacsato, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Intaa waxaa dheer, labada dowladood waxa ay qorsheynayaan inay kala saxiixdaan heshiis cusub oo la xiriira shaqaalaha, si loo ilaaliyo xuquuqdooda loona fududeeyo shaqo helkooda si sharci ah.

Ugu dambayn, waxaa lagu heshiiyay in shirweynaha xiga ee Ganacsiga iyo Maalgashiga lagu qabto Soomaaliya sanadka 2027.