Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo Ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh u ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, ka dib markii uu guddigaas soo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha.

Fadhigii maanta oo ay kasoo qeyb galeen 143 xildhibaan, ayaa 142 kamid ah codkooda ku taageeray ansixinta guddigan, halka hal xildhibaan uu ka aamusay. Ma jiro xildhibaan diiday.

Ansixinta guddigan ayaa tallaabo muhiim ah u ah xoojinta ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha gudaha dalka, iyadoo la rajeynayo in guddigu uu kaalin muuqata ka qaato difaaca xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ayaa horey u sheegtay in guddigan uu noqon doono mid madax bannaan, isla markaana leh awood dhammeystiran oo uu ku gudan karo shaqadiisa si hufan.