Warbixin: Agaasime Ku-xigeenka Warfaafinta Madaxtooyada Galmudug oo Kulan La Qaatay Gabdhaha Ka Shaqeeya Warbaahinta Madaxa Bannaan

Agaasime Ku-xigeenka Warfaafinta Madaxtooyada Galmudug, Ahmed Khaliif, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay gabdhaha saxafiyiinta ah ee ka howlgala warbaahinta madaxa bannaan ee ka howlgasha magaalada Dhuusamareeb iyo guud ahaan deegaanada Galmudug.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Galmudug ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee haweenka ku leeyihiin saxaafadda, caqabadaha ay la kulmaan, iyo sida loo xoojin karo taageerada ay helaan si ay u gutaan waajibaadkooda xirfadeed si nabad ah, xor ah, kana madax bannaan culeysyo dhinacyo kala duwan leh.

Agaasime Ahmed Khaliif ayaa uga mahadceliyay gabdhaha suxufiyiinta ah dadaalka ay ku bixiyaan gudashada shaqadooda, isagoo tilmaamay in warbaahinta aan dowliga ahayn ay door weyn ka qaadato wacyigelinta bulshada, isla markaana ay muhiim tahay in la siiyo fursado siman iyo ilaalin dhab ah, gaar ahaan haweenka suxufiyiinta ah.

“Gabdhaha suxufiyiinta ah waa geesiyaal u taagan runta iyo wacyigelinta bulshada. Waa masuuliyad in la dhageysto, la taageero, lana ilaaliyo ammaankooda iyo xorriyadooda shaqo,” ayuu yiri Agaasime Ku-xigeen Ahmed Khaliif.

Intii uu kulanku socday, gabdhaha saxafiyiinta ah ayaa la wadaagay Agaasimaha caqabadaha ay kala kulmaan dhinacyada amniga, helidda tababaro xirfadeed, qalab-yarida, iyo mararka qaar xadgudubyo ay la kulmaan xilli ay ku jiraan hawlahooda shaqo.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ah in Madaxtooyada Galmudug ay sii wadayso la shaqeynta haweenka warbaahinta, isla markaana la abuuro madallo joogto ah oo lagu dhegeysto talooyinkooda, loogana jawaabo baahiyahooda xirfadeed iyo badbaado shaqo.