Shirka Xoojinta Amniga Xuduudaha Dalka oo Lagu Qabtay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Shirka lagu xoojinayo amniga xuduudaha dalka ayaa maanta ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. Shirkaas waxaa guddoomiyey Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), waxaana ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, iyo saraakiil sare oo ka kala socday labada hay’adood.

Intii uu socday shirka, waxaa lagu soo bandhigay istaraatiijiyadda isku-dhafan ee maareynta iyo ilaalinta xuduudaha dalka, iyadoo xoogga la saaray wadashaqeynta hay’adaha amniga ee ka howlgala xuduudaha. Waxaa sidoo kale laga dooday aragtida guud ee dhismaha istaraatiijiyad mideysan oo lagu wajahayo sugidda amniga xuduudaha, doorka Ciidanka Booliska ee ilaalinta xuduudaha, la-dagaallanka tahriibka iyo dambiyada abaabulan, iyo diyaarinta qabyo-qoraalka siyaasadda qaran ee dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, shirka waxaa laga dhisay guddi isku-dhafan oo ka shaqeyn doona diyaarinta Istaraatiijiyadda Qaran ee sugidda amniga xuduudaha, iyo dib u eegista siyaasadaha qaran ee la xiriira kahortagga tahriibka iyo dambiyada la xiriira socdaalka. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo isku-xirka hay’adaha amniga ee heer qaran si loo sugo xuduudaha dalka.