Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Khudbad Muhiim ah Ka Jeediyay Shirka Nabadda iyo Horumarka Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka 5-aad ee Nabadda iyo Horumarka Afrika oo ka socda magaalada Aswan ee dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, kaas oo sanadkan lagu qabtay cinwaanka: “Awoodda Afrika ee Horumarka iyo Isbeddelka Adduunka Casriga ah.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbaddiisa ku muujiyay sida ay Soomaaliya uga gudubtay caqabadihii waaweynaa ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, isla markaana ay cagta saartay waddada horumar waara. Waxa uu carabka ku adkeeyay in dalka uu hadda marayo marxalad muhiim ah oo dhanka dib-u-dhiska, dowlad-dhisidda iyo nabadeynta ah.

Waxa uu xusay guulo la taaban karo oo ay dowladda Soomaaliya gaartay, kuwaas oo ay kamid yihiin:

Dib-u-dhiska dowladnimada iyo hay’adaha qaranka,

Deyn cafinta iyo dib ula midoobidda nidaamka maaliyadeed ee caalamka,
Kor u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay waddamada gobolka iyo caalamka,

Qaadista cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya muddo dheer,

Horumarka ballaaran ee dhanka amniga, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta.