Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle,Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta wareegto rasmi ah ku shaaciyay isbeddel maamulka sare ee gobolka Hiiraan, isaga oo xilka ka qaaday Guddoomiyihii hore, Muuse Salaad Wehliye, una magacaabay Maxamed Xuseen Maxamed inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee gobolka.
Wareegtadan oo ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu caddeeyay in isbeddelkan uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta maamulka iyo horumarinta adeegyada bulshada ee gobolka Hiiraan.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ku booriyay guddoomiyaha cusub in uu dardar geliyo howlaha maamulka, si gaar ahna diiradda u saaro sugidda amniga, la-dagaallanka Al-Shabaab, iyo xoojinta wada shaqeynta bulshada si loo gaaro nabad waarta iyo horumar muuqda.