Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in duqeyn xooggan lagu fuliyay deegaanka Kuukaayle, oo hoos yimaada degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Duqeyntan oo si gaar ah loo bartilmaameedsaday, ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan argagixisada Al-Shabaab iyo gaadiid dagaal oo ay wateen.
Howlgalka ayaa si guul leh u dhacay, waxaana NISA ay sheegtay in uu ahaa mid lagu gaaray ujeedkii laga lahaa.
Sidoo kale, waxaa howlgalka ka qeyb qaatay saaxiibada caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo gacan ka geystay qorsheynta iyo fulinta duqeynta.
Hay’addu waxay mar kale adkeynaysaa go’aankeeda ah in laga takhaluso kooxaha argagixisada ah, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.