Caasimada Rwanda.
Magaalada Kigali ee dalka Rwanda ayaa lagu qabtay madasha caalamiga ah ee Taliyeyaasha Ciidanka Dhulka ee dalalka Afrika iyo caalamka – Land Forces Commanders Symposium 2025.
Shirka waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha dalka Rwanda, Mudane Paul Kagame, waxaana isugu yimid taliyeyaasha ciidamada dhulka ee dalal badan oo ka kala socda qaaradda Afrika.
Madashan ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga iyo iskaashiga ciidamada dhulka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:
1. Sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ay u beddeleen qaab dagaalka ciidamada dhulka, iyo sida xal waara loogu heli karo saameynta ay keeneen.
2. Kordhinta xiriirrada tooska ah ee dalalka Afrika, si loo fududeeyo wada shaqaynta iyo is-fahamka ciidamada.
3. Xoojinta xiriirka iyo kalsoonida shacabka iyo ciidamada, si loo dhiso amni iyo wadajir bulsho.
4. Iyo abuuridda qaab mideysan oo ciidamada dhulka ee Afrika ay si wadajir ah iskula shaqeeyaan marka ay timaaddo amniga iyo nabad ilaalinta.
Soomaaliya waxaa madashan ku matalay Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Jeneraal Khaalid), kaas oo qeyb ka ahaa doodaha iyo kulamada looga arrinsanayey sidii loo adkeyn lahaa nabadgelyada, wada shaqaynta iyo iskaashiga amni ee dalalka qaaradda Afrika.