Ciidanka Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka Galeyr, ayaa maanta hawgal qorsheysan ka fuliyey deegaannada Dhaban, Dhulku Hays iyo Ceelahay, kuwaas oo hoostaga degmada Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.
Hawlgalkan oo ahaa mid burburin ah ayaa lagu bartilmaameedsaday godad ay Khawaarijtu ku lahaayeen deegaanka Dhaban, kuwaas oo lagu tuhmayey in lagu diyaarinayey weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada ammaanka.
Saraakiisha hoggaamineysay hawlgalkan ayaa sheegay in ciidanku ku guuleysteen in ay dilaan ilaa 5 dhagarqabe oo ka tirsan kooxda Khawaarijta, halka kuwo kale ay ka gaareen dhaawacyo culus.
Hawlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee maamulka Galmudug iyo ciidamada Daraawiishta ay ku ciribtirayaan kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud.