Ciidamada Badda Kenya oo Soo Qabtay Doon Daroogo Sida oo ku Sugneyd Badweynta Hindiya.

Ciidamada Badda Kenya ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan doon daroogo sida, kaddib markii ay heleen xog la xiriirta doontaasi oo ku sugnayd Badweynta Hindiya. Taliye ku-xigeenka Ciidanka Badda Kenya, Sarreeye Gaas Sankale Kiswaa, ayaa sheegay in hawlgalkan uu qaatay waqti dheer maadaama ay ku raad-joogeen doontaasi illaa 630 kiilomitir bariga magaalada xeebta leh ee Mombasa.

Daroogada laga helay doonta ayaa lagu qiyaasay qiimaheeda in uu gaarayo 8.2 bilyan oo shilin Kenya ah, taas oo u dhiganta $63,467. Waxaa socda baaritaanno ku saabsan halka daroogadaasi laga keenay, meesha ay u socotay, iyo cidda masuulka ka ah falka dambiyada ah.

Agaasimaha Waaxda Dambi Baarista ee DCI, Maxamed Amiin, ayaa sheegay in marka la soo gabagabeeyo baaritaanka iyo diyaarinta gal-dacwadeedka xafiiska xeer-ilaalinta, doonta iyo dadka lagu tuhunsan yahay dambigan la horgeyn doono maxkamad.

Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in ciidamada Kenya ay hadda gacanta ku hayaan lix qof, kuwaas oo la filayo in beri oo Isniin ah lasoo taago maxkamad. Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha baaritaanka ayaa sheegay in suuragal ay tahay in baaristu ay qaadato waqti kale ka hor inta aan la soo afjarin.