Dowlad-Goboleedka Puntland oo Xal u Raadinaysa Dilalka Aanooyinka ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Dowlad-Goboleedka Puntland oo dadaallo xooggan ku billaabday sidii xal waara looga gaari lahaa dilalka la xiriira aanooyinka ee ka dhacaya Gobolka Mudug, gaar ahaan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa dadaallo xooggan ku billaabday sidii xal waara looga gaari lahaa dilalka la xiriira aanooyinka ee ka dhacaya Gobolka Mudug, gaar ahaan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan muhiim ah arrintan ku saabsan la qaatay Isimada Dhaqanka, hay’adaha amniga iyo mas’uuliyiin kale oo heer gobol iyo heer federaal ah. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo joojin lahaa dilalka aargoosiga ku saleysan ee kusoo badanaya gobolka.

Hay’adaha amniga Puntland ayaa lagu amray in ay tallaabo adag ka qaadaan maleeshiyaadka hubeysan ee ka dambeeya falalkaas, si looga hortago sii socoshada dilalka aanooyinka ee Waqooyiga Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku adkeeyay Isimada dhaqanka iyo golayaasha deegaanka in ay door muuqda ka qaataan dib-u-heshiisiinta bulshada iyo soo afjaridda colaadaha hoose ee sababa dilalka aanooyinka.

Puntland ayaa sheegtay in ay si xooggan uga hortagi doonto cid kasta oo ku lug leh falalka lidka ku ah amniga, gaar ahaan kuwa beegsada ganacsatada, dhaqaatiirta iyo haldoorka bulshada ee magaalada Gaalkacyo.