Puntland oo Adkaynaysa Dagaalka ka Dhanka ah Daacish iyo AS.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in maamulka uu ka go’an yahay soo afjaridda kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee ku sugan qaybo kamid ah Gobolka Bari, gaar ahaan buuralayda Calmiskaad iyo Cal-Madow.

Deni oo ka hadlayay howlgalka Hilaac ayaa xusay in Puntland la kulantay caqabado kala duwan balse ay hadda si xooggan uga soo kabatay, wuxuuna bogaadiyay cid kasta oo gacan ka siisay howlgalka socda.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ammaanka faray in ay kordhiyaan hawlgallada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada, iyagoo si gaar ah u adkaynaya ammaanka magaalooyinka si aysan kooxahaasi ugu dhex dhuuman.

Wuxuu tilmaamay in ciidamada Puntland horumar ka sameeyeen dagaalka, xitaa meelaha aan baabuurta ama xoolaha rarani geli karin, iyadoo mararka qaar duqaymo diyaaradeed loo adeegsado.

Deni ayaa xaqiijiyay in Puntland ay ka helayso taageero dhinaca sirdoonka iyo hawlgallada cirka ah, gaar ahaan dowladaha Mareykanka iyo Imaaraatka Carabta, si loo baabi’iyo saldhigyada adag ee kooxahaas.