Golaha Aqalka Sare Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha.

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sharcigan ayaa lagu qeexayaa qaab-dhismeedka iyo siyaasadaha lagu ilaalinayo xuquuqda barakacayaasha gudaha dalka, iyadoo la doonayo in la dardargeliyo dadaallada dowladda ee lagu xaqiijinayo daryeel, amni, iyo nolol waara oo ay helaan dadka ay saameeyeen barakaca iyo colaadaha.

Inta lagu guda jiray fadhiga maanta, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku bogaadiyay mudanayaasha ansixinta sharcigan, isagoo sheegay inuu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee barakacayaal ah.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo Golaha horkeenay hindisaha, ayaa xusay in sharcigan uu saldhig u noqon doono qorshayaasha dowladda ee ku aaddan dejinta, daryeelka iyo dib-u-noolaanshaha dadka barakacayaasha ah, isagoo tilmaamay in uu kaalin weyn ka qaadan doono hagaajinta adeegyada aasaasiga ah iyo xuquuqda bulshada.

Ansixinta Hindise Sharciyeedkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo nidaamka sharci-dejinta, isla markaana lagu dardargelinayo barnaamijyada garab istaagga dadka nugul ee Soomaaliyeed.