Gaari nooca xamuulka qaada ah ayaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Waaberi, ku jiiray saddex darawal oo ka mid ah wadayaasha mootada labada lugood leh ee nooca Fekon, halka mid kale uu dhaawac kasoo gaaray shilkaas.
Shilkan ayaa ka dhacay waddada 21-ka Oktoobar ee degmada Waaberi, waxaana baxsaday wadihii gaariga xamuulka ahaa. Intii uu shilka dhacayay, waddadaasi muddo kooban waa ay xirneyd, hase yeeshee markii dambe dib ayaa loo furay.
Qofka dhaawacmay ayaa la geeyay mid kamid ah xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho si daryeel caafimaad loogu fidiyo, halka labada qof ee geeriyooday meydkoodii isla goobta laga qaaday si loo raadiyo ehelkooda.
Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay howlgal lagu baadi-goobayo wadihii gaariga shilka galay, kaas oo goobta ka baxsaday, iyadoo kiiska lagu wareejiyay saldhigga degmada Waaberi.
Shilalka noocan ah ee ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho ayaa inta badan loo sababeynayaa khibrad darrada darawallada, xawaaraha xad-dhaafka ah, iyo dayaca ku yimaada xakamaynta gaadiidka, taas oo keenta in ay dhacaan shilal sababa dhimasho iyo dhaawac.