Ugu yaraan 15 qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen kaddib markii dooki ay saarnaayeen ku qallibantay badda u dhaxeysa Jasiiradda Mayotte iyo dhulka weyn ee Faransiiska, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.
Shilka ayaa dhacay maalintii Jimcaha, waxaana la sheegay in doonta ay sidday muhaajiriin Soomaali ah oo u socday dhanka Faransiiska. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in fannaanadii caanka ahayd Hodan Afrika iyo gabar ay dhashay ay ka mid yihiin dadka geeriyooday.
Hal qof oo keliya ayaa la soo badbaadiyay ilaa hadda, iyadoo ay socdaan dadaallo ay wadaan Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Faransiiska iyo Mayotte si loo helo dad kale oo laga yaabo inay weli ku sugan yihiin badda.
Shilkan ayaa si weyn looga dareemay bulshada Soomaaliyeed, iyadoo dad badan ay muujinayaan murugo iyo dareen tiiraanyo leh oo ku aaddan khasaaraha dhimashada ee ku yimid dad Soomaaliyeed oo safar halis ah ku jiray.