Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Wafdiga Ciraaq Kala Wada Hadlay Iskaashi Amni iyo Maalgashi.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulanka gaar ah la yeeshay wafdi ka socda Dowladda Ciraaq, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen saraakiil sare oo ka kala socday hay’adaha amniga ee Soomaaliya iyo Ciraaq, ayaa si gaar ah looga hadlay iskaashiga amniga, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha xagjirka ah.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla falanqeeyay fursadaha maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, iyagoo si gaar ah u dul istaagay muhiimadda ay leedahay in laga faa’iideysto kheyraadka ku jira Kalluumeysiga ,Tamarta ,Beeraha ,Xanaanada xoolaha

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdiga Ciraaq ayaa isla qiray muhiimadda xoojinta wadashaqeynta labada dal, si loo abuuro fursado ganacsi, loo xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Ciraaq, islamarkaana loo hormariyo iskaashi buuxa oo labada dhinac ah.