gaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo daahfuray wajiga labaad ee tababarka nidaamka PISCES.

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u furay wajiga labaad ee tababarka nidaamka PISCES, kaas oo lagu tababarayo saraakiil ka tirsan hey’adda si ay u xoojiyaan awoodda sugidda iyo ilaalinta xuduudaha dalka.

Tababarkan oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada iyo amniga socdaalka, ayaa diiradda saaraya sidii loo kordhin lahaa aqoonta iyo xirfadda saraakiisha ka howlgalaysa waaxyaha socdaalka ee dalka, gaar ahaan adeegsiga nidaamka casriga ah ee PISCES oo fududeynaya diiwaangelinta, raadraaca, iyo hubinta xogta dadka soo galaya iyo kuwa ka baxaya Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in hirgelinta nidaamka PISCES ay qayb weyn ka tahay qorshaha dowladdu ku doonayso in lagu adkeeyo amniga xuduudaha, isla markaana lagu hagaajiyo maamulka socdaalka. Wuxuu ku dhiirrigeliyay ka-qaybgalayaasha tababarka in ay ka faa’iidaystaan casharrada iyo farsamooyinka lagu barayo si ay ugu adeegaan dalkooda si hufan.

Wajigan labaad ee tababarka ayaa lagu wadaa in uu socdo muddo dhowr maalmood ah, waxaana qabanaya khubaro Soomaaliyeed iyo ajaanib ah oo ku takhasusay nidaamyada maamulka socdaalka iyo amniga xuduudaha.