War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgallo isdaba joog ah oo ka dhacay gobollada Bakool iyo Baay ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda AS.
Wasaaradda ayaa sheegtay in howlgal ka dhacay tuulada Aba Lee, oo qiyaastii 21 km u jirta koonfurta magaalada Xudur, lagu dilay Maxamed Cabdi Maxamed (Goofoow), oo ahaa madaxii kooxda AS ee gobolka Bakool.
Sidoo kale, howlgal kale oo ay ciidamadu ka fuliyeen tuulada Waro Mintaaniya, oo 14 km u jirta deegaanka Burjeet ee gobolka Baay, ayaa lagu dilay laba xubnood oo kale oo lagu kala magacaabo Yaxye Abuu Khaalid iyo Shariif (Amiir).
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in labadaas xubnood ay ka shaqeynayeen abaabulka weerarro ay kooxdaasi qorsheynaysay, sida lagu xusay warka ka soo baxay wasaaradda.