Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hirshabelle, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada ee Soomaaliya, kaas oo meertadan lagu qabtay magaalada Jowhar, caasimadda Hirshabelle.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, wasiirrada gargaarka ee dowlad-goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, ururrada samafalka, bulshada rayidka, hoggaamiyeyaal maxalli ah, iyo xubno ka socda hay’adaha caalamiga ah.
Waxaa la filayaa in shirka lagu gorfeeyo xaaladda bini’aadannimo ee dalka, sidii loo xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha kala duwan, iyo qorshayaasha lagu horumarinayo wax ka qabashada dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ka jira Soomaaliya.