Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Maamulka Sare ee Jaamacadda Banaadir, oo uu hoggaaminayay Dr. Cusman Maxamuud Dufle, Guddoomiyaha Guddiga Adeegyada Bulshada ee Aqalka Sare ahna Guddoomiyaha Mu’asasada Jaamacadda, iyo Dr. Maxamed Maxamuud Xasan, Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen maareeye ku-xigeennada Dekedda ayaa diiradda lagu saaray iskaashi waxbarasho iyo aqoon kororsi u dhexeeya labada dhinac.
Maamulka Jaamacadda ayaa uga mahadceliyay Dekedda tababarradii aqooneed ee ay dhawaan siiyeen ardayda dhigata culuumta badda, iyaga oo dhankooda ballan qaaday in ay siiyaan fursado aqoon kororsi bilaash ah shaqaalaha Dekedda Muqdisho.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo xarumaha waxbarashada dalka.