Guddiyada Maaliyadda Baarlamaanka oo la Xisaabtamaya Wasaaradda Maaliyadda XFS.

Guddiyada Maaliyadda ee labada Gole Baarlamaan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadajir ah maanta ku yeeshay Muqdisho, iyaga oo diiradda saaray warbixinta xisaab xirka Miisaaniyadda sanadka 2024.

Kulanka waxaa si wadajir ah u shir guddoomiyay Sanatar Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) iyo Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), waxaana lagu martiqaaday Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Iimaan Cige, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, iyo xubno kale oo la socda.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa si furan uga jawaabay su’aalo la xiriira xisaab xirka miisaaniyadda, kuwaas oo xubnaha guddiyada ay si gaar ah u weydiinayeen.

Ugu dambayn, guddiyada Maaliyadda labada Aqal ayaa ku heshiiyay in ay u yeeraan Hantidhowraha Guud ee Qaranka, si ay dhankiisa ugala xisaabtamaan xogta la xiriirta xisaab xirka miisaaniyadda 2024.