Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jarmalka ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jarmalka ee Soomaaliya, Danjire Groth.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, maalgashiga, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Jarmalka taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii adkeynta iskaashiga labada dal.

Dhankiisa, Danjire Groth ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Jarmalka uu ka dhaxeeyo xiriir saaxiibtinimo oo qoto dheer, isla markaana ay Dowladda Jarmalka ka go’an tahay inay sii xoojiso xiriirkaas si loo gaaro himilooyinka iyo yoolasha wadajirka ah ee labada dal.