Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, oo ay wehlinayaan baarayaal, ayaa gaaray Gobolka Shabeelaha Hoose, iyaga oo la wareegay galdacwadeed ka dhan ah kooxo hubeysan oo lagu eedeeyay in ay geysteen dilal arxan-darro ah iyo falal gubis ah oo ka dhacay gobolkaas.
Xeer Ilaaliye ku xigeenka Axmed Cabdalla ayaa sheegay in dacwaddaas la diyaariyay, isla markaana dhowaan loo gudbin doono Maxkamadda Ciidamada si dadka ka dambeeyay falalkan foosha xun ay u wajahaan caddaaladda. Wuxuu faray ciidamada DANAB, Ururka 161-aad, in ay si degdeg ah u soo qabtaan eedeysanayaasha.
Axmed Cabdalla wuxuu xusay in dadka la xiran yahay ay kamid yihiin kuwii ku lug lahaa dil iyo gubid lagu sameeyay oday 60 jir ah oo dhimirka la’ kana dhacay degmada Wanlaweyn. Sidoo kale, wuxuu sheegay in lala xisaabtamayo kuwa ka dambeeyay falal beeleedkii lagu dilay 5 qof iyo gubistii ceel biyoodka ee ka dhacay deegaanka Yaaqbari Weyne.
Xafiiska Xeer Ilaalinta wuxuu sidoo kale sheegay in mas’uuliyiin xilal haya oo xasaanad leh lagu wado in maxkamad lasoo taago, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay dhaqaale iyo hadal ku hurinayeen dagaallo sokeeye.
Xeer Ilaaliye ku xigeenka ayaa ballanqaaday in shacabka Soomaaliyeed loo soo bandhigi doono caddeymo iyo magacyada mas’uuliyiinta ku lug leh falalkan, si looga hortago in dambiilayaashu si aan caddaalad lahayn uga baxsadaan falalkooda.