Wasaaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta oo sheegtay inay heshay xog muujinaysa in ay socdaan hawlo macdan-qodis sharci-darro ah.

Wasaaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku warrantay inay heshay xog muujinaysa in ay socdaan hawlo macdan-qodis sharci-darro ah oo ay wadaan kooxo iyo shirkado gaar loo leeyahay kuwaas oo aan haysan rukhsad ay dowladda ka heystaan.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaaradda ayaa lagu caddeeyey in hawlahaas sharci-darrada ahi ay si cad ugu xadgudbayaan dastuurka dalka, heshiisyada dowladda ee la xiriira maamulka khayraadka, iyo sidoo kale xeerarka caalamiga ah ee ilaalinta madax-bannaanida dowladaha iyo kheyraadkooda dabiiciga ah.

Wasaaaradda Batroolka ayaa ku amartay dhammaan dadka ama shirkadaha ku hawlan macdan-qodista sharci-la’aanta ah inay si degdeg ah u joojiyaan, ayna ixtiraamaan midnimada, madax-bannaanida iyo xornimada Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasaaaradda ayaa ugu baaqday hay’adaha amniga iyo dhammaan laamaha dowladda ee khuseeya in ay si dhow u wada shaqeeyaan si loo hubiyo in khayraadka dalka loo maamulo si waafaqsan sharciga, loogana hortago cid kasta oo isku dayda inay ku shaqayso si sharci-daro ah.