Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo xaqiijisay in la jabsaday Nidaamka E-visa.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la jabsaday qaar kamid ah xogta adeega socdaalka E-TAS oo uu hoos yimaado Nidaamka E-visa.

Bayaan ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay in tillaabadaasi tahay sharci darro, isla markaasna ay socdaan baaritaanno ay sameynayaan guddiga ka kooban khubaro iyo hay’adaha amniga.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka rasmiga ah, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siin doonta ilaalinta xogta muwadiniinta socdaalka ku imaanaya dalka.

Halka Hay’adda ayaa ku soo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay dalalka UK iyo Mareykanka sheegeen in la jabsaday nidaamka E-visa oo ay ku jiraan xogta muwadiniin u dhashay dalalkaasi.