DFS oo sheegtay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Bakool lagu dilay xubno ka tirsan AS.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Moora-gaabey, oo 37km u jirta magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda ‘AS’.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda, howlgalka waxaa si xeeladeysan u fuliyay ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan guutada 9aad ee qaybta 60aad, waxaana lagu dilay saddex dagaalame oo ka tirsan ‘AS’, halka in ka badan toban kalena lagu dhaawacay.

Intaa waxaa dheer, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub iyo saanad milatari oo ay isticmaalayeen xubnihii la weeraray, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka.

Taliyaha qaybta 60aad, Gaashaanle Sare Maxamed Yariis Aadan, oo la hadlay warbaahinta, ayaa tilmaamay in howlgalkani yahay mid ka tirsan duullaannada ballaaran ee ka dhanka ah ‘AS’ ee haatan ka socda qeybo badan oo ka mid ah Koonfur Galbeed, isaga oo xusay in ay sii wadi doonaan cadaadiska lagu saarayo kooxdaasi.