Taliska Booliska Degmada Guriceel wuxuu bulshada ku wargelinayaa in laga bilaabo waqtigan si rasmi ah loo Mamnuucay in gudaha magaalada lagu dhex wado baabuur kasta oo leh muraayado madoow (BEENSAL), kuwaas oo carqaladeeya amniga iyo daba-galka dambiyada.
Ujeedada amarkan ayaa ah Adkeynta amniga guud ,Ka hortagga falalka amniga lidiga ku ah
Iyo In la helo muuqaal cad oo sahla howlaha baarista iyo ilaalinta shacabka
DIGNIIN:
Baabuur kasta oo lagu qabto isaga oo wata muraayado madoow oo aan sharciyeysneyn waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah, waxaana lagu dabaqi doonaa xeerarka amniga ee u yaalla degmada Guriceel.
Taliska Booliska Guriceel wuxuu ku boorinayaa shacabka iyo darawallada in ay amarkan u hoggaansamaan, si loo xaqiijiyo wada shaqeyn, nabadgalyo iyo kala dambeyn.
“Amniga waa wada-jir, ilaalintiisuna waa masuuliyad wadareed.”