Taliye Macalin Mahdi oo sheegay in Ciidanka Booliiska wax shaqo ah siyaasada Ku leheen.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa kulan gaar ah u qabtay saraakiisha Booliiska Soomaaliyeed, kaas oo diiradda lagu saaray diyaar-garowga doorashada qof iyo cod ee lagu wado in laga qabto gobolka Banaadir, gaar ahaan dhinacyada amniga.

Kulanka waxaa lagu lafa-guray doorka ciidanka Booliiska ee sugidda amniga inta lagu jiro doorashada, iyadoo saraakiisha loo jeediyay talooyin iyo wacyigelin ku saabsan dhexdhexaadnimada iyo ilaalinta nidaamka.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir, G/Sare Mahdi Cumar Muuumin (Macalin Mahdi), ayaa xusay in Booliisku uusan ku lug lahayn siyaasadda, isla markaana dhammaan ururrada tartamaya ay u siman yihiin.

“Booliisku siyaasad shaqo kuma laha, dhammaan ururrada tartamaya Golaha deegaanka waa u siman yihiin,” ayuu yiri Taliyaha.