Ciidamo ka tirsan Ururka 251-aad ee Guutada 25-aad, Qeybta 27-aad ee CXDS oo uu hoggaaminayo Taliyaha ururka, Maxamed Xasan Abuukar (Dhala Dheere), ayaa howlgallo qorsheysan ka sameeyay deegaanno hoostaga degmooyinka Afgooye iyo Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgallada ayaa si gaar ah uga dhacay tuulooyinka Shabeelley, Cismaan Dure, Boolo Doonka, Bangaleey iyo Waan Daasha, kuwaas oo ay kooxda Khawaarijta ku lahaayeen goobo ay ku dhibaateeyaan shacabka deegaanka.
Taliye Dhala Dheere ayaa sheegay in ujeedada howlgalka ay ahayd in la burburiyo saldhigyada Khawaarijta ee ku dhuumaalaysanaya tuulooyinkaas, si meesha looga saaro hanjabaadaha joogtada ah ee ay ku hayaan dadka rayidka ah.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada qalabka sida, si wadajir loogu ciribtiro kooxdan dhibta ku ah nabadda iyo nolol maalmeedka bulshada.