Muqdisho: weerar lagu qaaday guri ay deganaayeen dad shacab ah.

Muqdisho:- 10/DEC/2025-

Dhimasho ka dhalatay Weerar ay koox hubeysan ku qaadeen Guri ay deganayaan Dad Shacab ah.

Sida ay xaqiijiyeen Goobjoogayaal iyo Saraakiil katirsan Booliska Somalia, koox hubeysan oo la aqoon heybtooda Ayaa fiidnimadii Caawa waxa ay Weerar ku qaadeen Guri ay daganaayeen Dad Shacab ah kaas oo ku yaala degmada Wadajir ee Magaaladda Mogadishu.

Weerarkan oo la sheegay in ay fuliyeen 2 Nin oo hubeysan Ayaa waxaa dhawacyo kasoo gaareen qaar kamid ah qoyska deganaa Guriga la weeraray, kuwaa oo Guriga u hayay qoyska milkiyada Guriga lahaa.

Sida ay goobjoogayaal lahadlay Warbaahinta xaqiijiyeen kooxda weerarka geystay ayaa loo maleynaa Maleeshiyo Beeleed hubeysan kuwaa oo sheeganaya lahaanshaha Guriga kuna heysta Reerka Guriga leh.

Dhacdadan ayaa imaanaysa xilli qoyska Gurigan iska leh oo ah Dadka laga tirada badanyahay ay weerareen Maleeshiyad Katirsan Alshabaab kuwaa oo dilay sanadkii 2024 Mahad Abdiqadir Abdi oo ahaa Wiil Bajaajle ah oo qoyska katirsanaa halka mid kale uu ka baxsaday Dalka, sidoo kale Aabaha iyo Hooyadana qoyska ayaa horey u geeriyooday,

Dhacdada hore 2024 qoyska Guriga iska leh ay Alshabaan ku beegsadeen Ayaa yimid xilli ay Qoysku diideen in ay tagaan Maxkamad ay Maamulaan Alshabaab oo ku taala deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeeladda hoose kadib markii ay dacweeyeen Reerka kale ee ku heysta lahaanshaha Guriga.

Ugu danbeyn, Ciidamada Booliska degmada Wadajir ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Kooxda Weerarka danbe geystay ay ka baxsadeen Goobta inta aysan imaan meesha wax ka dhaceen Ciidamada Booliska.