Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa ka bilowday barakac ay sameynayaan dad xoolo dhaqato ah, kaddib markii ay abaar xooggan ku dhufatay gobolka, taasoo si weyn u saameysay noloshii dadka iyo duunyadooda.
Qoysas badan ayaa ka baxay guryahooda iyagoo raadinaya biyo, daaq iyo nolol ka duwan tii ay ku soo jireen. Dadka barakacay ayaa sheegay in abaartu ay ka dhigtay kuwo aan heli karin cunto iyo biyo ku filan, taasina ay ku khasabtay in ay u guuraan deegaanno kale oo la tuhunsan yahay in roobab ku hooreen.
Magaalooyin dhowr ah oo gobolka ka tirsan ayaa lagu tukaday salaad roobdoon ah, waxaana maamulka degmooyinka, culimada iyo bulshada deegaanka ay ku baaqeen in gargaar degdeg ah lala gaaro dadka tabaaleysan.
Dadka barakacay ayaa ka digay in haddii roobka uusan da’in toddobaadyada soo socda, xaaladdu ay noqon karto mid aad u adag, maadaama doogga dhulka uu sii dabar go’ayo, biyihiina ay gabaabsi yihiin, halka ceelasha laga heli karana ay aad uga fog yihiin meeshii ay degganaayeen.