Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiir ka socda Dowladda Sweden.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda ee Dowladda Sweden, Mr. Benjamin Dousa, oo ay weheliyaan wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka soo dhaweynta oo ka dhacay qeybta marti-sharafta (VIP) ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa labada Wasiir waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha, xoojinta iskaashiga labada dal iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya. Sidoo kale, waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn wax ku ool ah oo miro dhal ah.

Socdaalka Wasiirka Dowladda Sweden oo qaadan doona laba maalmood, ayaa la filayaa in uu kulamo muhiim ah la yeesho mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaas oo diiradda lagu saari doono maalgelinta mashaariic horumarineed oo dan u ah dalka iyo bulshada.