Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Xarumo Lagu Casriyeynayo Adeegyada Degmada Shingaani.

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Xarumo Lagu Casriyeynayo Adeegyada Degmada Shingaani.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim ah oo lagu horumarinayo adeegyada dowlad-hoose, kuwaas oo laga hirgelinayo Degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa lagu dhagax-dhigay mashaariic ay ka mid yihiin dhismaha iyo dayactirka Xarunta Taliska Ciidanka Ilaalinta Xamar, Xarunta Waaxda Dhismaha Wadaagga, iyo Xarunta Waaxda Diiwaangelinta Dadweynaha (Anagrafi) ee Dowladda Hoose ee Xamar. Mashaariicdan ayaa door weyn ka qaadanaya tayeynta adeegyada dadweynaha, xoojinta amniga, iyo casriyeynta hab-maamulka caasimadda.

Duqa Muqdisho, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa sheegay in hirgelinta xarumahan ay muujinayso go’aanka Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada, adkeynta nidaamka diiwaangelinta dadweynaha, iyo dhismaha kaabayaal dowladeed oo waara. Waxa uu xusay in xarumahan muddo dheer aan la dayactirin, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay u leeyihiin horumarinta amniga iyo maamulka magaalada.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Ilaalinta Xamar, Guddoomiyaha Degmada Shingaani, iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Maamulka Gobolka Banaadir.