Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Daahfuray Aqoon-is-weydaarsi Lagu Horumarinayo Nidaamka Xeer-Dajinta.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Daahfuray Aqoon-is-weydaarsi Lagu Horumarinayo Nidaamka Xeer-Dajinta.

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo diiradda lagu saarayo dib-u-habaynta iyo horumarinta nidaamka xeer-dajinta dowladda, si kor loogu qaado tayada iyo waxtarka sharciyada hay’adaha dowliga ah.

Aqoon-is-weydaarsiga ayaa waxaa ka qeyb galay la-taliyeyaasha sharciga ee hay’adaha dowladda, Xafiiska Garyaqaanka Guud, iyo La-taliyaha Arrimaha Sharciga ee Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Abukaate Cumar Cabdulle Dhageey. Intii uu socday kulanka ayaa lagu falanqeeyay caqabadaha jira, fursadaha horumarineed, iyo hababka lagu tayeyn karo xeerarka dowladda, iyadoo la soo bandhigay aragtiyo sharciyeed oo wax-ku-ool ah.

Xoghayaha Joogtada ah ayaa kulanka ka sheegay in dowladda ay mudnaan siinayso horumarinta hab-raacyada xeer-dajinta, isla markaana loo baahan yahay in nidaamka jira dib loo qiimeeyo si uu ula jaanqaado baahiyaha isbeddelaya ee dowladnimada. Waxa uu ammaanay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan la-taliyeyaasha sharciga dadaallada lagu xoojinayo sharciyadda dalka.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay xubno ka socday wasaaradaha kala duwan ee dowladda iyo sharci-yaqaano madaxbannaan, iyadoo ujeeddadu ahayd in la helo hannaan mideysan, hufan, isla markaana casri ah oo saldhig u noqda xeer-dajinta dowladda.