Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Rwanda oo Muqdisho Soo Gaaray, Ka Qeybgalaya Shirka EASF.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Rwanda, Major General Vincent Nyakarundi.
Sarkaalka sare ee ka socday Jamhuuriyadda Rwanda ayaa magaalada Muqdisho uga qeybgalaya Kalfadhiga 35-aad ee Taliyayaasha Ciidamada iyo Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka xubnaha ka ah Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF), kaas oo ay martigelinayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta iskaashiga amniga gobolka, kordhinta wada-shaqeynta ciidamada dalalka xubnaha ka ah EASF, iyo doorka ay iska kaashanayaan nabad-ilaalinta iyo sugidda xasilloonida dalalka Afrikada Bari.
