Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey Degmada Xudur ee Gobolka Bakool. Soo dhoweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur, saraakiil ka socotay laamaha amniga, odayaal dhaqameed, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada.
Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa salka ku haysa kormeer guud oo la xiriira xaaladda amniga, tayada iyo baahida adeegyada bulshada, iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda Degmada Xudur iyo guud ahaan Gobolka Bakool. Safarkan ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya dowladda iyo shacabka ku nool deegaannada fogfog.
Inta uu ku sugan yahay Degmada Xudur, Madaxweyne Laftagareen ayaa lagu wadaa in uu kulammo la yeesho masuuliyiinta heer gobol iyo degmo, saraakiisha amniga, iyo waxgaradka deegaanka, isagoo dhagaysan doona talooyin, cabashooyin iyo baahiyaha ay qabaan bulshada. Kulammadan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo sii xoojin lahaa nabadda, horumarka, iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa hay’adaha dowladda iyo shacabka.
Bulshada ku dhaqan Degmada Xudur ayaa muujisay farxad iyo rajeyn ku aaddan booqashada Madaxweynaha, iyagoo ka filaya in safarkani uu horseedi doono horumar muuqda oo dhanka amniga, adeegyada aasaasiga ah, iyo mashaariicda horumarineed ee gobolka Bakool.