Guddoomiyaha ayaa sheegay in waddooyinkan cusub ay wax weyn ka tari doonaan fududeynta isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha, isla markaana ay meesha ka saarayaan caqabadihii hore ee ka dhashay waddooyin burburay iyo biyo fariisasho, gaar ahaan xilliyada roobabka.
“Maanta waxaan ku faraxsanahay in aan bulshada Waaxda Taleex la wadaagno hirgelinta 10 waddo oo casri ah, kuwaas oo si buuxda loo dhagax-dhigay, lana jaanqaadaya qorshaha horumarineed ee Degmada Hodan,” ayuu yiri Guddoomiye Cali Fahle.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xusay in mashruucan uu ku yimid wada-shaqeyn u dhexeysa maamulka degmada, waaxda iyo bulshada deegaanka, taas oo muujinaysa muhiimadda ay leedahay ka-qaybgalka dadweynaha ee horumarinta adeegyada aasaasiga ah.
Guddoomiye Cali Fahle ayaa tilmaamay in maamulka Degmada Hodan uu ka go’an yahay sii wadista mashruucyada horumarineed, isagoo ballan qaaday in waaxaha kale ee degmada ay gaari doonaan adeegyo la mid ah kuwa laga hirgeliyey Waaxda Taleex.
Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay shacabka degmada inay ilaashadaan kaabayaasha la hirgeliyey, isla markaana ay door firfircoon ka qaataan horumarinta deegaanka iyo adkeynta wada-shaqeynta kala dhaxeysa maamulka