Maareeyaha NIRA: Soomaaliya Tignoolajiyad Way Horumartay, Sharciyad Internet-na Waa Lama Huraan.

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), Cabdiwali Cali Cabdulle, ayaa sheegay in Soomaaliya ay horumar muuqda ka sameysay dhanka tignoolajiyadda casriga ah, isla markaana ay kaga horreyso dalal badan oo gobolka iyo caalamkaba ah, hase yeeshee uu xusay in ay jirto baahi degdeg ah oo loo qabo dejinta shuruuc iyo xeerar lagu xakameynayo khataraha internet-ka.
Maareeyaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad uu ka qeyb galay, isagoo tilmaamay in horumarka dhanka tignoolajiyadda uu horseeday adeegyo casri ah sida aqoonsiga dhijitaalka ah, diiwaangelinta muwaadiniinta, iyo fududeynta adeegyada dowliga ah, kuwaas oo wax weyn ka beddelay hab nololeedka bulshada Soomaaliyeed.
“Soomaaliya maanta dhanka tignoolajiyadda meel wanaagsan ayay gaartay, waxaana jira horumar aan ku faani karno oo aan kaga hormarnay dalal badan, balse horumarkaasi wuxuu u baahan yahay ilaalin iyo hannaan sharci oo suga amniga xogta iyo badbaadada bulshada,” ayuu yiri Maareeyaha NIRA, Cabdiwali Cali Cabdulle.
Wuxuu si gaar ah u carrabka ku adkeeyay in internet-ka iyo adeegyada dhijitaalka ah ay wataan khataro la xiriira amniga xogta, marin-habaabinta, dambiyada internet-ka (cyber crime), iyo ku xadgudubka xogta gaarka ah ee muwaadiniinta, taas oo keentay baahida loo qabo sharciyo casri ah oo waafaqsan horumarka tignoolajiyadda.
Sidoo kale, Maareeyaha NIRA ayaa ku baaqay in la xoojiyo wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhalinyarada, si ay u fahmaan sida loo adeegsado internet-ka si mas’uuliyad leh, loogana fogaado waxyaabaha halista ku ah amniga, akhlaaqda iyo mustaqbalka jiilka soo koraya.
Ugu dambeyn, Cabdiwali Cali Cabdulle ayaa adkeeyay in hay’adaha dowladda, baarlamaanka, iyo qeybaha kale ee ay khusayso ay ka wada shaqeeyaan sameynta sharciyo iyo siyaasad qaran oo lagu hago adeegsiga tignoolajiyadda, si loo xaqiijiyo in horumarka dhijitaalka ah uu noqdo mid waara, ammaan ah, kana faa’iideysta dhammaan bulshada Soomaaliyeed.