Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Dowlad-Goboleedka Galmudug, isagoo u kuur-galayey xaaladda abaarta, saameynta isbeddelka cimillada iyo duruufaha nololeed oo ay wajahayaan bulshooyinka ku nool miyiga iyo magaalooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug.
Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac uu la socday Wasiirka deegaanka Galmudug ayaa si gaar ah u booqday magaalada Bud-bud, oo ka mid ah meelaha sida weyn ay u saameysay Isbeddelka cimilada, iyadoo guryihii mgaaladaas ku yaalay qaarkood uu ka kor-mareen Bacaad, arintaas oo saamayn badan ku yeelatay qoysaskii daganaa.
Wasiirka inta uu waday kormeerka wuxuu kulan wacyigelin ah la yeeshay shacabka iyo dadka reer miyiga ah, kulanka ayaa ku saabsanaa khatarta ay leedahay jarista dhirta iyo xaalufka deegaanka.isagoo bulshada u sheegay in dhibaato weyn ay ka dhalan karto hadii ay la joojin jarista dhirta.
Ugu dambeyn, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada ayaa sheegay in wax ka qabashada abaaraha iyo isbeddelka cimilladu aysan ahayn hawl wasaarad keliya saaran, balse ay u baahan tahay ka-qeybgalka dhammaan qeybaha bulshada, hay’adaha dowladda, iyo daneeyayaasha kale. Waxa uu ku boorriyay bulshada Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin muuqata ka qaataan ilaalinta deegaanka.