Taliska Booliiska Gobolka Banaadir oo maanta soo bandhigay 11 askari oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah hub ugu dhex wateen magaalada Muqdisho.

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa maanta soo bandhigay 11 askari oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah hub ugu dhex wateen magaalada Muqdisho, iyagoo si cad u jabiyay awaamiir hore oo ay soo saareen hay’adaha ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Askartan ayaa lagu qabtay howlgallo ay fuliyeen Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Bartamaha, waxaana la xaqiijiyay in loo gudbin doono maxkamad, kaddib markii ay ka dhega-fureysteen amarka mamnuucaya in askari aan ku jirin shaqo rasmi ah uu hub la dhex maro caasimadda.

Taliska Booliiska ayaa mar kale adkeeyay in aysan jirin cid ka sarreysa sharciga, isla markaana askari ama mas’uul kasta oo ku xadgudba awaamiirta amniga lala tiigsan doono tallaabo sharciyeed oo degdeg ah.

Dhanka kale, hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u soo saaray amarro mamnuucaya hubka culus, ilaalinta tiro badan, iyo qaadashada hubka gudaha Muqdisho, si loo xoojiyo amniga guud ee caasimadda loona yareeyo khataraha amni.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli si weyn loo adkeeyay amniga magaalada Muqdisho, maadaama maalinta Khamiista oo ku beegan 25/12/2025 lagu wado in si rasmi ah loo guda galo doorashada Golayaasha Deegaanka Gobolka Banaadir. Taliska ammaanka ayaa sheegay in dhammaan ciidammada heeggan buuxa la geliyay, lana qaadayo tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada doorashada iyo badqabka shacabka.