Howlgallo Amni oo Culus oo ka Socda Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo amni oo culus ka wada Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu beegsanayo kooxaha Khawaarijta ah ee dhibaatooyinka amni ka geysanaya deegaanno ka tirsan gobolkaas. Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso amniga iyo xasilloonida dalka.

Howlgallada waxaa hoggaaminaya Taliyaha Qaybta Koowaad ee Kumaandooska Gorgor, G/le Dhexe Saahid Jaamac Faarax (Jareere), waxaana laga fuliyay deegaano ay ka mid yihiin Galka Saalimoow, Diira-fuul, Qodqodka iyo Dooxa. Ciidamada ayaa si buuxda ula wareegay deegaannadaas, kadib howlgallo qorsheysan oo si taxaddar leh loo fuliyay.

Intii ay howlgalladu socdeen, Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ku guuleystay inay waddooyinka ka soo saaraan miinooyin ay Khawaarijtu ku aaseen, kuwaas oo loogu talagalay in lagu waxyeelleeyo shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddooyinkaasi. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid badbaadisay nolosha dad badan.

Sidoo kale, ciidamada ayaa burburiyay fariisimo ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen, kuwaas oo ay u adeegsan jireen qorsheynta weerarro iyo cabburinta shacabka ku nool deegaannadaas. Ma jiro ilaa hadda khasaare rasmi ah oo la shaaciyay, balse saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada ayaa sheegay in natiijooyin muhiim ah laga gaaray.

Ugu dambeyn, Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa adkeeyay in howlgalladu sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro guud ahaan kooxaha Khawaarijta ah ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo shacabka ku boorriyay inay la shaqeeyaan ciidamada si loo xaqiijiyo amni waara iyo nabadgelyo.