Ciidamo Booliis ah ayaa si gaara loogu Diyaariyey Goobaha Doorashooyinka ee Bari.

Magaalada Muqdisho waxaa laga dareemayaa diyaargarowgii ugu dambeeyay ee Doorashooyinka Golaha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan Booliska, ayaa la wareegay dhammaan goobaha codbixinta si ay u xaqiijiyaan ammaankooda.

Dadweynaha iyo dhammaan musharraxiinta ayaa isu diyaarinaya ka-qaybgalka doorashada qof iyo cod ee Golaha Deegaanka.

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa diyaariyey dhammaan goobaha, agabka iyo hawlwadeennadii ka shaqayn lahaa habsami u socodka doorashada.

Maalinta barri ah, shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka Gobolka Banaadir, waxay u tahay maalin dahabi ah oo lagu xaqiijinayo mid ka mid ah xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.